Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay Guddi Farmaajo oo ka soo tala bixiya xal gaarista Khalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Gudigaan oo ka kooban 11 xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsa Mucaaradka ayaa la faray in ay wax ka qabtaan oo xal ka soo gaaraan saddex qodob oo kala ah:
1. Xalinta Caqabadaha saameeyey Ciidamada ee ka dhashay arrimaha
siyaasadda
2. Dib-u-celinta Ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay Magaalada
Muqdisho.
3. Baabi’inta calaamadii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada
Guddiga ayaa sidoo kale la faray in howshiisa xal ka gaariska khalalalaasaha uu ku soo gaba-gabeeyo muddo Shan (5) casho gudahood. Sidoo kalena Waxaa xubnaha Guddig ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gutaan
howlaha loo igmaday kana keenaan gungaar dhameystiran.
Hoos ka akhriso magacyada Xubnaha Gudidda ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay:
1. Mudane: Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomiye
2. Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
3. Mudane: Xasan Xuseen Xaaji Xubin
4. Mudane: Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
S. Mudane: Farxaan Cali Axmed Xubin
6. Mudane: Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Xubin
7. Senatore Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Xubin
8. Senatore Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagey) Xubin
9. Senatore Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) Xubin
10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
11. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad Xubin