RW Rooble oo kulan la qaatay Ergay ka socday dowladda Qatar

903

Muwdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay ergayga dowladda Qatar ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha Dorashooyinka dalka.

Ergayga dowladda Qatar Mr. Alqaxtaani ayaa la filayaa sidoo kale inuu la kulmo xubnaha Midowga Murashaxiinta.