RW Rooble oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha UK

768

London – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dalka, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya.