RW Rooble oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

674

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta Maxamed Alcuthman.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Danjire Alcuthman ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xaafiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in shir looga hadlay sidii dowladda Imaaraadka ay gacan uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Xiriirka diblumaasiyaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa xumaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo xiriirka diblumaasiyaddeed Soomaaliya u jartay Imaaraadka kaddib khilaafka Dowladaha Khaliijka. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqifka dhexdhexaadnimo ka qaadatay.