RW Rooble oo magacaabay Guddi cusub oo Wasiirro ah

611

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaaa maanta magacaabay Guddi heer Wasiirro ah.

Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare ayaa shaqadiisu tahay soo xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka Doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Heshiiskii Doorashada ee dhawaan lagu saxiixay magalaada Muqdisho ayaa dhigaya in arrimaha iyo muranka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka in lagu xaliyo muddo saddex maalmood ah iyadoo oo loo soo gudbinayo xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.