Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, kuxigeenkiisa, m/weynaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan iyo xubno ka tirsan baarlamanka dalka.
Wafdiga Maxamed Waare oo saaka ka kicitimay caasimada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Halkaas oo sidoo kale ay ku sugam yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya oo badankoodu ka soo jeeda degaanadda JubbaLand.
Waare ayaa noqonaya Madaxweynihii 4aad ee ka socda dowlad goboleedyada oo gaara Kismaayo, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya Kismaayo.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu isna ka dego magaalada Kismaayo, si uu ugu biiro Madaxda kale ee ku sugan.
Shirka maamul goboleedyadda uga furmay Kismaayo ayaa lagu wadaa inay madaxda hogaanka maamuladu isla gorfeyaan arrimaha ku saabsan khilaafka maamuladda iyo dowladda dhexe iyo sidoo kale inay qaada dhiigaan arrimaha dastuurka iyo awooda uu siinayo maamulada iyo sidii ay iskula jaan qaadi laahayeen dowladda dhexe.
Madaxweynaha martida loo yahay, Axmed Madoobe ayaa shalay sheegay in shirkani aanu waxba u dhimeynin dowlada Soomaaliya balse uu u noqon doono kaabe waa sida uu hadalka u dhigaye.