Shir looga Hadlayo arrimaha Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Oo Ka furmay Muqdisho (Sawirro)

1195

Muqdisho (UM) – Shirweynaha Qaran ee xal u helida barakacayaasha iyo qaxootiga dib ugu soo laabanaya Dalka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.

Waxaana shirka ka qeyb galay qaar ka mid ah Golaha wasiirada, xuno ka tirsan dowlad Goboleedyada iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Shirka oo socon doono mudo 3 cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii qorshe cad ay dowladda Soomaaliya uga yeelan lahayd dib u dajinta barakacayaasha ku soo laabanaya gudaha Dalka.

Shir weynahan Qaran oo lagu magac daray “U Helida Xal waraara Qaxoootiga soo laabanaya iyo Barakacayaasha” ayaa la qorsheynayaa inay ka soo baxaan qoddobo la xiriira qaxootiga Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid ( Juxa ) oo Ummadda Media kula hadlay madasha shirka ayaa ka warbixiyay muhiimada shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradiisa.

Waxaana uu sheegay in ahmiyad weyn ay ugu jirto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, siyaasad cadna ay ka yeelanayaan arrimaha qaxootiga.

Waa shirkii ugu horeeyay ee looga hadlo arrimaha qaxootiga oo 27 Sano, kadib lagu qabto Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan arrimaha la xariira qaxootiga looga hadli jiray Dalka Dibadiisa.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-