Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

777

Muqdisho – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay Teendhada Afisooyini ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay u dhan yihiin madaxda dowlad Goboleedyadadalka iyo Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale dooda iyo agendaha shirka ku jira , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Waxaa inta badan la soo gabagabeeyay Doorashooyinka Senatarad Aqalka marka laga reebo dowlad Goboleedka Hirshabelle oo la filayo in ay qabto toddobaadkaan.