shirkadda Favori ee Maamusha Garoonka Aadan Cadde oo Dowladda u gudbisay cabasho

1012

Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho  ka soo saartay hub lala soo galay gudaha Garoonka taasoo amniga garoonka wax u dhimi karta.

Warqad uu soo saaray Madaxa Amniga u qaabilsan Favori ayaa waxaa loo diray Hey’addaha ay quseyso arrintan, si ay u gaarsiiyan cabashadooda.

Sarkaal Boolis ah oo ay u xirneyd Bastoolad ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu hareer maro Qalabka baaritaanka ee la yiraahdo Xray, isagoo damacsana uu  ahaa inuu gudaha u galo garoonka.

Ilaalada garoonka ayaa celiyay sarkaalka oo ku amray in Bastoolad aan lala geli karin, waxaana taas ay keentay isku dhac   iyo aflagaado ay dhex marto Sarkaalka iyo ilaaladii shirkadda, iyadoo ay gaartay heer Bastoolad la isla baxo, lana isku hanjabo.

Hoos ka akhriso warqadda ay soo saartay shirkadda Favori