Shirkadda Google oo labaatan jirsatay

1638

Shirkadda Google oo ah aalad wax la weeydiiyo oo xogtana laga raadiyo ayaa  khamiistii u dabaaldegtay labaatan sanno guuradeedii. Shirkadda ayaa irdaha loo furay sanadkii 1998 iyada oo markaa ku bilaabatay bar yar oo  aqoonta laga raadiyo.Google waxaa la bilaabay hawsheeda 1977dii, laakiinse waxay si rasmi ah u shaqo bilawday 1998dii.

Shirkadda Google waxaa lacag gaareeysa 100,000 oo dollar ku  aasaasay labo  arday oo dhiganayay jaamacadda Stanford laguna kala magacaabo larry Page iyo Sergey Brin.Labada arday ee PHDda ka diyaaraniyay jaamacadda dalka Maraykanka ku taal ee Stanford waxa ay doonayeen in la tartamaan shirkadaha xiliyadaas hormuudka ka ahaa  wax raadinta internetka sida shirkadaha Yahoo iyo Altavista.

Gogle kaliya ma ahan bar wax laga ogaado ee waxa kale oo ay  leedahay qaybo kale sida baraha muuqaalada laga daawado ee Youtube iyo tan warqadaha laga dirsado ee Gmail.

Sidoo kale waxay shirkaddu leedahay oo aad loogu ammaanay  softwareka Android oo ay ku shaqeeyn karaan taleefoonada aan sidaa qaaliga u aheyn.

Shirkaddu kaliya masoo jiidan ammaan ee waxa ay si taas la mid ah leedahay dhaliilo badan sida in xogta dadka istcimaala aan sidii la rabay loo ilaalin oo mararka qaar ay dad kale arkaan.

Waxyaabahaasi oo dhan marka laga soot ago Google waa shirkad la micno noqotay wax weydiin oo dad badani u arkaan in ay wax kasta taqaan.