Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaartay ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka

1309
Soomaaliya ayaa 1-0 uga badisay xulka dalka Zimbabwe.

Xulka kubadda cagta qaranka ee Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka 1-aad ee isreebreebka ciyaaraha koobka adduunka.

Kulan ay yeesheen Soomaaliya iyo Zimbabwe ayaa daqiiqadihii caadiga ahaa iyo kuwii lagu darayba ku dhammaaday 1-0, halkaasoo ay guusha ku raacday Soomaaliya.

Anwar ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay.

Ciyaartan oo ahayd Lugta hore ee ay labada waddan isku arkayaan ayaa ka dhacday Dalka Jabuuti, waxaana ay Jabuuti marti galin wakiil ugu ahayd Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay soo bandhigtay firfircooni iyo niyad aad u weyn, waxaana aad ula yaabay kubad siday u raacanayeen laga billaabo markii ay ciyaarta billaabatay ilaa iyadoo xitaa 90-ka daqiiqo laga gudbyy. farxadayda lama soo koobi karo, waxaana ii muuqata in xulka Soomaaliya ay wax badan ka baddaleen qaab ciyaareedkooda, sababtoo ah waxaan arki jirnay mar walba inay tabartooda yaraan jirtay, kulan kastana aan niyad jab kala kulmi jirnay”, ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu rajo fiican ka muujiyay in Soomaaliya ay kasii gudbi doonto marxaladdan.

Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad u aadi doona Zimbabwe

Maxamed Diiriye Maxamed(Maxamed Rashiid), oo ka mid ah taageerayaasha xulka Soomaaliya, ciyaarta galabtana daawanayay ayaa BBC-da u sheegay in ay dhaceen wax uusan marnaba fileynin.

“Waxaan u rajaynayaa inay guul tan kasii weyn gaaraan lugta labaad ee ka dhici doonta Zimbabwe, waxuuna hamigeyga yahay inay kooxda usii gudubto heerka labaad ee isreebreebka ciyaaraha koobka adduunka”.

Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930-kii

Ciyaartoyda iyo qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa dabaaldag sameeyay ciyaarta ka dib.

Farxad weyn oo ku aaddan guusha Soomaaliya ayaa laga dareemayay garoonka

Kani wuxuu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee isreebreebka koobka adduunka oo Soomaaliya ay guul ka gaarto.

Zimbabwe ayaa ka mid ah dalalka firfircoon ee Afrika, marka laga hadlayo kubada cagta, waxayna qiimeynta xulalka adduunka ee ay FIFA sameyso 90 darajo uga korreysaa Soomaaliya.

Xigasho: BBC Somali