Soomaaliya waa in ay ka foojignaataa Kenya – UM

1219

Muqdisho (UM) – Xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada  Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixiyay war ula muuqday mid wanaagsan oo ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata. Heshiisyada ayaa se ahayn kuwa cusub, laakiin waa kuwa horay loo galay oo Kenya aysan dhaqangelin ama ay jabisay.

Arrinta Wajeer ayaa dhowr mar la joojiyay haddana la soo celiyay. In dalku galka ama visaha laga qaato garoonka magaalada Nairobi iyo heshiisyo kale oo dhanka ganacsiga ayaa  had iyo jeer ku jiri jiray wadahadalkii dowladihii ka horreeyay dowladda maanta joogta ee Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ayaan  madaxweynahooda ka filaya in uusan  marnaba gorgortan ka galin kiiska badda ay Kenya sida sharcidarrada ah u sheeganeyso. Hadda iyada oo waxaasi dhan wali jiraan ma jirto sabab aan u dabaaldegno maxaa yeelay wax hor u  socod ah lama sameyn oo waa jug jug meeshaadi jog ilaa ay Kenya ka ixtiraameyso heshiisyada ay gashay.

Kenyaanku waa kuwa caqli leh maxaa yeelay waxay garteen in dhaqaalahoodu  in uu daciifay, sumcadooda adduunka ay hoos u dhacday, ganacstada Soomaalida ahna ay si saa’id ah Kenya uga tagayaan iyaga oo  u guuraya Itoobiya iyo Turkiga. Sidoo kale shirarka ku saabsan Soomaaliya laguma qabto Kenya sidaas darteedna hoteelada Kenya waxaa soo gaaray dhibaato xooggan sida ay noo sheegeen ilo la hadlay UM. Keenya waxay u baahantahay lacagta iyo ganacsiga Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo waa in loogu hambalyeeyaa in uu go`aankiisa ku adkeystay, laakiin waa in uu ogaada in heshiisyada uu saxiixay aysan dhameystir ahayn inta Kenya ay ka fulineyso dhammaan ballamada. Sidoo kale waa in uu ogaadaa in madaxdii  ka horreysay heshisyadaan oo kale lala galay. Waxa uu dabaaldegi doonaa marka ay Keenya raacdo heshiisyada fuliso, ee ma ahan marka wax hadda loo dabaaldegayo.

Wafdigii ka socday dhanka Soomaaliya  ee ka qaybgalay kulanka waa in ay dib ugu noqdaan oo aqriyaan qoraalka ay barta Twitter-ka soo dhigtay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo u qornaa sidan:

“Madaxweyne Farmaajo waxa  uu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in dacwadda badda lagu xallin doono hab ay labada dhinac isla ogolyihiin, taasna aysan saameyn doonin xiriirka labada dal”.

Qoraalkaan ay barta Twitter-ka soo dhigtay Monica Juma ayaa muujinaya in dhinaca Soomaalida aysan si fiican u fahmin dhigooda Keenyaanka ah. Laga yaabee in hadda kaddib labada dhinac ay u baahnaan doonaan turjumaano maxaa yeelay waxay u muuqataa in aysan labada dhinac isku fahmeyn Ingiriis.

Khudbaddii la duubay ee madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynuhu waxa uu yiri “Arrinta muranka badda ee maxkamadda caddaaladda ee ICJ taalla marnaba ma saameyn doonto xiriirka labad dal” oraahdaan ayaa si fudud fasiraad khaldan looga bixin karaa , waxaana sidaas sameeyay Kenya oo fasiraad saartay. Madaxweynuhu waxay ahayd in uu ku adkeysto in dacwadda lagu xallin doono wadada sharciga ah kaliya, waana malaha midda uu ula jeeday warka kale ee uu yiri.

Dadka Soomaaliyeed marnaba tanaasul  ugama sameeyn doonaan baddooda qofna. Waa biyahooda ay iyagu leeyihiin waan ay difaaci doonaan ilaa iyo halka ugu dambeysa. Wax shir jaraa’id ah oo wax ka badali doona malahan si kasta oo Kenya ay iskugu daydo in ay qaloociso ama si kale u fasirto hadalka madaxweyne Farmaajo.