Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u ambabaxay caasimadda dal weynaha Shiinaha ee Beijing, si uu uga qayb galo shirka iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Shirkaan ayaa ah halka kaliya ee Shiinaha iyo dowladaha Afrika ay uga wada hadlaan xiriirkooda, ku jeexaan wado cusub oo wada shaqeyn, adduunyada ugu muujiyaan midnimada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Afrika iyo Shiinaha.
Madashaan waa halka kaliya ee Shiinuhu ku muujiyo kaalintooda muuqata ee qaaradda Afrika haddii ay ahaan laheyd maalin galin dhaqaale ama taageero horumarineed.
Inta badan Shiinuhu waxa uu ku celceliyaa in xiriirka uu qaaradda la leeyahay ay tahay mid faa’iido u leh labada dhinac oo uusan midna ka kale ka faa’iideysan. Dhankooda madaxda Afrikaanka ah waxay had iyo jeer ammaan u tiriyaan madaxda iyo xisbiga Shuuciga, ka hor inta aysan weydiisan kaalmo ku aaddan meelaha deeqbixiyaashii soo jireenka reer galbeedka ahaa ay ka gaabiyeen sida kaabayaasha dhaqaale.
Codsiyadaas madaxda Afrika ayaa waxaa ka dhashay natiijooyin wanaagsan sida maalgalin dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo taageero dhanka warshadeynta ah oo loo soo marsiiyay yaboohyo dhaqaale, deymo aan sidaa u buurneyn iyo maalgashi toos ah oo ay qaaradda ku sameeyay dalweynaha Shiinaha. Dabcan wax kasta oo wanaagsan waxay leeyihiin nusqaantooda, ha yeeshee e’ waxaa muuqata Soomaaliya oo in badan taageero u aheyd dalka Shiinaha in aysan wax ka soo gaarin amaba saameeyn ku laheyn hab iskaashiyeedkaan u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika.
Markii la sameeyay madasha hab iskaashiyeeka Afrika iyo Shiinaha ee (FOCAC) sannadki 2006-dii Soomaaliya waxay wali ku jirtay xaalad fowdo iyo qalaalse ah. Ha yeeshee tan iyo 2012-kii Soomaaliya waa ay ka soo reyneysay oo waxay sameysay horumar dhanka dowladdinmada ah. Sannadkii 2015-kii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkii ugu dambeeyay ee iskaashiga Afrika iyo Shiinaha dalka Koonfur Afrika kula kulmay madaxweyanha Shiinaha Xi Jinping, waxayna isku afgarteen in sare loo qaado taageerada labada dal ay isa siiyaan.
Ilaa iyo maanta marka laga reebo kaalmo yar oo bini aadamino iyo deeqo waxbarasho oo aan sidaa u weyneyn, Soomaaliya waxay ka qatsantahay hab iskaashiyeedka Afrika iyo Shiinaha sabab la xiriirta iyada oo aan helin taageerada iyo maalgashiga Shiinaha. Siyaasadda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa u muuqata bal sug oo arag sida wax noqdaan, taasna waxay waxay dhaawaceysaa xiriirka labada dhinac.
Sababo ay ka mid tahay dhimashadii waardiye shiinaha u dhashay oo ku dhintay weerarkii hotel Jaziira sannadkii 2015-kii iyo amniga aan fadhin ee Muqdisho ayaa laga yaabaa in ay sababayaan siyaasada taxadarka ku dhisan ee Shiinaha, laakiin Shiinaha waxa uu maalgaliyay meel ka khatar iyo caqabado badan Soomaaliya sida Koonfurta Suudaan. Miyey Soomaaliya ka darantahay Koonfurta Suudaan?. Xaqiiqdii Soomaaliya aaya ka wanaagsan Koonfurta Suudaan marka la fiirsho xaaladaha ay ku suganyihiin labada dal. Sidaas oo ay tahay ma muuqato daneeyn uu daneeynayo Soomaaliya sida koonfurta suudaan oo kale.
Inta uu socdo shirka Afrika iyo Shiinaha , madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, kulankaas waa in uu madaxwynaha Soomaaliya uga faa`iideystaa fursadda in uu hoggaanka Shiinaha u gudbiyo in Soomaaliya ay tahay waddan xulafo la ah Shiinaha wax weyn oo wanaagsan mustaqbalka fog socon karo ka filayo Shiinaha sida ay waddamo badan oo shirka ka qayb qaadanaya uga filayaan Shiinaha.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya waa in uu soo afjaraa cabsida ay qabaan mas’uulyiinta Shiinaha taas oo ah in dowladda Soomaaliya ay saameeyn weyn ku leeyhiin reer galbeedku, maadaama xilal sare sida madaxweyne, Ra’iisul wasaare ay ka yihiin rag qurbo jooog ah oo ka yimid dalalka galbeedka. Madaxweynaha Soomaaliya waa in uu xoojiyaa farriinta dowladdiisa ee ah in danaha dalka laga hormarin doono dan kasta ee dal kale, Shiinaha uu soo noqdo si uu u dayac tiro kaabayasashii uu maalgaliyay xoriyaddii kaddib sida waddooyinka laamiyada ah,tiyaatartkii qaranka, isbitaalka Banadir iyo garoonka kubadda cagta Muqdisho stadium. Soomaaliya waa in lagu daraa oo ay qayb ka noqotaa mashruuca waddada isku xireysaa adduunka oo ay waddo dowladda Shiinaha maadaama Soomaaliya ay ku taallo meel muhiim ah oo isku xirta ganacsiga iyo dadka u kala goosha bariga iyo galbeedka caalamka. Sida uu Shiinuba ogsoonyahay dhismaha kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka waa bilawga horumarinta dhaqaale ee dhabta ah.
Shiinuhu sida waddamada kale waxuu rabaa inuu marka hore xaqiijiyo jiritaanka danaheeda Soomaaliya taas oo shardi u ah maalgashi ay ku sameeyso soomaaliya. Waa wax la aqbali karo oo gar ah, hase ahaatee waa in shiinuhu uu muujiyaa daneeyn oo uu fikradihiisa qaabka horumarinta Soomaaliya iyo xiriirka u dhaxeeya labada , intii ay ku celcelin lahaayeen oraahdooda caanka ah ma faragalino madaxbannanida iyo siyaasada waddamada. Caqadaha Soomaaliya heysta ma ahan kuwa qarsan oo sir ah sida dastuurka qabyada oo aan la dhammeeyn, caqabadda dhisidda maamul goboleedyo shaqeeyn kara oo xiriir wada shaqeeyn la leh dowladda Federaalka iyo waliba caqabadaha amni ee taagan.
Iyada oo waxaasi dhami jiraan waxa ay noqoneysaa mid aan gar aheyn in Shiinahu uu sii wado siyaasadiisa ku fiirsoshada ah,iyada oo saaxiibadda kale ee Soomaaliya ay wadaan dadaalo caawimaad ay wax uga badalayaan xaaladda Soomaaliya. Soomaaliya waxay taageertay ku biiristii Shiinaha ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyada oo aad looga soo horjeeday, hadda waa in Shiinaha abaalkaa gudaa oo si toos ula macaamilaa Soomaaliya .
Shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ma ahan kaliya fursad ay Soomaaliya iyo Shiinaha kusii xoojin karaan xiriikooda, soo jireenka ahaa iyo saaxiibtinimadooda ee sidoo kale waa fursad lagu muujinayo in midba midka kale uu muhiim u yahay sidii waayihii hore. Soomaaliya cid aan Soomaali aheyni malahan, dowladda Soomaaliyana waxay had iyo jeer aheyd saaxiibka Shiinaha.
Waxay noqon doontaa fursad kale oo khasaartay haddii shirkaan iskaashiga Afrika iyo Shiinaha sidii kuwii ka horreeyay ay ka soo bixi weyso natiijo wax ugu fadhisa Soomaaliya, xilligaan adag oo ay Soomaaliya u halgameeyso xasilooni siyaasadeed iyo soo kabasho dhaqaale.