Trump oo ka hadlay weerarkii xarunta shirkadda shidaalka Sucuudiga

647
Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay wadahadladii nabada ee la qorsheeyay inuu la yeesho kooxada Taliban ee dalka Afganistan. Sawirka/AP

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in ay diyaar u yihiin jawaab ay ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday xarun ay leedahay shirkadda shidaalka Sucuudiga ee Aramco, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka uu eedda dusha uga tuuray Iiraan.

Madaxweyne Trump oo bartiisa Twitter qoraal soo dhigay ayaa tilmaamay in aysan jirin sabab ay u aaminaan in ay yaqaanaan cidda danbiga sameysay, hase ahaatee  ay diyaar u yihiin in marka boqrtooyada Sucuudiga ay usoo gudbiso ay ka qaadaan tillaabada ku habboon.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale waxa uu amar ku bixiyay in la isticmaalo keydka shidaalka Maraykanka si loo hubiyo in aysan wax qalqal dhanka tamarta soo foodsaarin dalkiisa, maadaama weerarka dhacay uu sababay in 5% wax soo saarka shidaalka dunida uu hakad galo.

Qiimaha shidaalka dunida ayaa 15% kor u kacay Axaddii taas oo abuurtay walaac la xiriira shidaalka oo dunida dhan ay dareentay sababna ay u tahay xiisada isa soo taraya ee bariga dhexe.Shirkadda shidaalka ugu weyn ee Sucuudiga ee Aramco oo xaruunteeda la weeraray ayaa  sheegtay in weerarkii uu hoos u dhigay wax soo saarkii ahaa 5.7 Milyan oo fuusto maalintii. Shirkadda Aramco ayaan se wali sheegin marka ay dib u bilaabi doonto soo saarista shidaalka

Goor sii horeysay sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa wariyaasha u sheegay in weerarka uu ka yimid Iiraan, halkii awal loo heystay in ay ka danbeeyaan Xuutiyiinta oo uu Yaman ka yimid. Dhanka kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan oo lagu magacaabo Abbaas Mousawi ayaa  eedda Maraykanka ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo aan wax micno ah lahayn.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa ku goodiyay in Iiraan ay diyaar u tahay dagaal aan waxba la iskula harin. Amirali Hajizad oo ka tirsan ilaalada kacaanka islaamiga Iiraan oo ay soo xiganeysay wakaaladda aan sida buuxda rasmiga u ahayn ee Tasniim ayaa sheegay in dhammaan saldhigyada iyo diyaarad xambaarada Maraykanka ay u jiraan 2000Km oo ay gaari karaan gantaaladooda.

Sarkaal Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in 19 bar  oo ka tirsan xarunta sifeynta shidaalka ee Aramaco ay saameeyn ku yeelatay weerarka lagu qaaday, waxaana muuqata in weerarka uu ka yimid  galbeed ama waqooyi galbeed, laakiin uusan ka imaan Yaman oo Koonfur ka xigta Sucuudiga. Sarkaalka Maraykanka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Sucuudiga ay tilmaameen in weerarka uu ahaa gantaallo markab laga so dulriday taas oo ka horimaaneysa sheegashada kooxda Xuutiga ee ah in ay ku weerareen toban diyaaradaha duuliya la’aanta ah(Drone).

Sucuudiga ayaa marar hore Iiraan ugu eedeysay weeraro ay u geysatay ceelasha shidaalka, hayeeshe ee Iiraan waxa ay dafirtay in ay ka danbeyso. Xoghayaha Qaramaada Midoobay Antonio Gutres ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta shirkadda Aramaco ee dalka Sucuudiga , waxa uuna ugu baaqay dhinacdyada in ay isxakameyn muujiyaan.

Madaxweyne Maraykanka ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu la kulmo Madaxweynaha Iiraan marka uu ka soo qaybgalo shirka Qaramada Midoobay iyada oo aan wax shuruud ha ku xirneyn, madaxweynaha Iiraan ayaa se diiday kulanka iyada oon laga qaadin cunaqabteynta.

Warbaahinta qaar ee Ciraaq ayaa tabisay in weerarka Ciraaq laga soo qaaday hase ahaate dowladda Ciraaq ayaa beenisay iyada oo ku hanjabtay ciqaab adag in ay marsiin doonto cidda Ciraaq u isticmaasha. Kuwait ayaa iyaduna sheegtay in baareyso in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dalkeeda kormareen.