Home Features Turkiga oo rumeeyay riyada nin Muslim ah oo u dhashay dalka Ghana

Turkiga oo rumeeyay riyada nin Muslim ah oo u dhashay dalka Ghana

1098

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa nin ka soo jeeda qoys sabool ah oo u dhashay dalka Ghana u rumeysay riyadiisa oo aheyd inuu mar un soo xajiyo.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Al Hassan Abdullah ayaa sheekadiisa ay aad u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta Turkiga.

Sheekada ayaa la leeyahay inay bilaabatay kagadaal markii sida la sheegay wariyeyaal Turkiga u dhashay oo diyaarad yar oo muuqaal ka duubayay tuuladiisa taasi oo si lama filaan ah ugu degtay meel ku dhow gurigiisa.

Ka dib isagoo arkaya diyaaraddu ay tahay mid aan dad qaadi karin ayaa waxaa uu markiiba banaanka soo dhigay jacaylka uu u qabo Xajka ayaa waxaa uu yiri “Hadii ay midan diyaarad weyn ahaan laheyd Sacuudi Carabiya ma inoo qaadi laheyd.

Al-hassan-768x430

Wariyaasha ayaa ninkii waraystay ka dibna Internet-ka Ku faafiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheekadan markii uu maqlay soo fara geliyay, isagoo ka caawiyay ninka Muslimka ah ee reer  Ghana  inuu gacan ka geysto sidii sanadkan Xajka loogu soo qaadi lahaa.

Sheekadan ayaa noqotay mida ugu hadal heynta badan baraha bulshada maanta oo Axad ah iyo maalmihii la soo dhaafay.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo isticmaala barta Twitter-ka ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee sheer gareeyay sheekadan.

Qaar ka mid ah ayaa waxaa ay barahooda kusoo qoreen hadlo ay ka mid ahaayeen ” Turkiga oo rumeyay riyada nin reer Ghana, tani waa sababta Soomaalidu ay u jacayl yihiin Turkiga “.

Al-Hassan, ayaa jimcihii la soo dhaafay ka soo ambabaxay magaalada Accra ee  Caasimadda dalka Ghana, isagoo ka degay garoonka magaalada Istanbul,  isagoo sii aadaya  dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya  gaar ahaan magaalooyin Barakaysan ee Makkah iyo Maddiina, si uu usoo guto waajibaadka Xajka.

Al-Hassan Abdullah oo la hadlay Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu news agency (AA) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo gaaro Istanbul.

“Alle ayaan u mahad celinayaa, waan u duceynayaa cid kasta oo iga caawisay in riyadan ay ii rumowdo, kaalmadan dowladda Turkiga ii fidisay waa mid aad u qiimo badan, waxaan aaminsanahay in tani ay caddeyn u tahay saaxibtimimada, walaalnimada Muslimiinta”ayuu yiri Al-Hassan Abdullah.

Cihad Gokdemir, oo ah Kuxigeenka Madaxa Hey’adda sama falka Turkiga oo Al-Hassan Abdullah ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in sheekada uu Twitter-ka soo geliyay wariyaha u shaqeeyay TRT ay qabsatay cinwaanada warbaahinta Turkiga, waxaa uu tilmaamay in Sarkaal Boolis ah oo ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Ghana oo la soo xiriiray uu si weyn ugu mahad celiyay dadka Turkiga.