UK: Boris Johnson oo is-casilay

884

Xoghayihii Arrimaha dibadda dalka Britain Boris Johnson, ayaa lagu soo waramayaa inuu iska casilay xilkaasi uu ka haayay Golaha Wasiirada Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Haweenayda la yirahdo Theresa May.

Iska casillaadda Boris Johnson, xoghayihii Arrimaha dibadda UK ayaa ah dharbaaxo culus oo Ku dhacday ra’iisul wasaaraha, taasi oo waan waan adag ugu jirfa in UK ay ka saarto ka mid ahaanshaheeda midowga Yurub.

Waa wasiirkii labaad oo muddo 24 sac gudahood iska casila Golaha wasiirada Ra’iisul wasaare May.

Horay waxaa isu casilay wasiirkii Britain u qaabilsanaa dhex-dhexaadina ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub kaasi oo la yirahdo  David Davis.

War kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Theresa May, ay aqbashay istiqaalada Boris Johnson.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ra’iisul wasaaraha goor dhow ay Ku dhawaaqi doonto badalka Boris Johnson.

Iscasillaadda Johnson, ayaa loo arkaa mid qalalaaso siyaasadeed Ku ah xukuumadda May, maadaama Boris uu yahay siyaasi aad u wayn, kaasi oo sabab ahaa in dadka reer Britain ay u codeeyaan ka bixitaanka Midowga Yurub.

Boris Johnson, oo ah in Aabihiis ka soo jeedo dalka Turkiga ayaa ahaa Duqii hore ee magaalada London, isagoo sidoo ahaa gacanta Middig ee ra’iisul wasaare Theresa May.