Madaxweynaha Dawlad gobolkeedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Michael Keating.
Madaxweyne Gaas kulanka uu maanta la qaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimid Magaalada Garoowe.
Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney muddo Saddex sano ku dhow, Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, hanoqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, hanoqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee ka soo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles“. Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahadnaqay Madaxweynha Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana ku boggaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ka socda, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas ay ka wada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.
Danjire Michael Keating ayaa aad u boggaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan u soo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka.
Ugu dambeyn Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka talagelin doonto odayaasha iyo dadka degaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.