Walaalo ku eedeysnaa dilka waalidkood oo dib xabsi ugu midoobay

938

Walaalaha Mendez oo mar Maraykanka uga yaabiyay dil arxan darro ah oo ay kula kaceen waalidkood, ayaa dib isaga helay xabsiga muddo ka badan labaatan sanno kaddib  markii lagu xukumay xabsi ay ku muteyseen dilka waalidkood.

Maxkamadeeynta labada walaalaha oo da’doodu kala tahay 47 iyo 50 sano ayaa gabi ahaanba aad usoo jiidatay waddanka Maraykanka sanadihii sagaashamaadkii. Labada walaalaha ayaa hadda qaadanaya xukun xabsi daa’in ah oo lagu riday kaddib dilkii ay geeysteen 1989kii.

Walaalaha oo da’adoodu ay kala aheyd 18 iyo 21 ayaa si dhaw u toogtay waalidkooda hodanka oo lagu kala magacaabo Jose iyo Kitty Mendez, xilli ay ku sugnaayeen qasrigooda.

Waxaa la sheegay in ay ooyin jabsadeen markii ay isku arkeen xabsiga Sandiego markuu ugu horreysay maalintii arbacada.

“Waa ay is dhexgali karaan dhammaan maxaabiista ku jirta xabsiga”. Sidaas waxaa wakaalada wararka AP u sheegay sarkaal qaabilsan asluubta maxaabiista.

Maadamaada ay danbiga si wadajir ah u galeen, walaalaha ayaa si ula kac ah loogu kala hayay labo meel, tan iyo is aragoodi ugu danbeeyay 1996-dii.

Dil ay u geeysteen damac ka galay hantida waalidkood

Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in labadaan walaalaha ah ay dilka ku geeysteen si ay u dhaxlaan hantida maguurtada  malyuumaadka dollar ah oo ay waalidkood  ka tageen.

Hase yeeshee qareenadii u doodayay labada walaalaha ayaa  dhankooda ku andacooday in dilka ay sabab u aheyd faraxumeeyn lagu sameeyay labada walaalaha ah, laakiin marnaba eedaas lagama hor caddeeyn maxkamad.

Aabahood oo ahaa 45 jira heer fulin ka gaaray Hollywoodka ayaa lix xabaadood lagu dhuftay. Rasaastaas ayaa ka dhacday qori ay soo gateen labada walaalaha ka hor fal dambiyeedka. Hooyadood ayaa  sida odaygeegada u dhimatay rasaas lala dhacay.

Labada dilka geeystay ayaa booliska u sheegay in ay xaafada tageen kadibna ay arkeen waalidkood oo la dilay.

Labada walaalaha ayaa la xiray kaddib markii gabar saaxiib la ah dhaqtarkii cilmi nafsiga ee daweeynay Erik Mendez oo ah mid ka mid ah walaalaha ay u tagtay booliska iyada oo u sheegaty in Erik Mendez uu u hanjabay dhaqtarka.

Maxkamadeeyntooda oo bilaabatay 1993-dii ayaa labo mar hakad ku yimid kadib markii xeer beegtiga isku raaci weysay, waxayna dacwaddii dib u bilaabatay 1995-tii.

Kala maqnaa muddo ka badan labaatan sano

Labada walaal ayaa kala maqnaa intii ay xirnaayeen, kaddib markii dambi baare baarayay dilka uu muujiyay shaki ah in haddii ay hal meel wada joogaan ay qorsheyn karaan in ay xabsiga ka fakadaan.

Bishii Febraayo 2018-kii ayaa Lyle Mendez laga soo waday xabsigii horay ee Los Angles, loona soo wareejiyay xabsiga San Diego, markii hoos loo dhigay heerka waardiyaha xabsiga Los Angles.

Xabsiga ay hadda ku jiraan waxaa ku xiran maxaabiis gaareeysa 3,900, laakiin labadoodu isku meel kuma xirna waana laga ilaaliyay in wax xiriir uu dhexmaro, wixii ka horreeyay maalintii arbacada.

Walalaha ayaa ooyay markii ay is arkeen sida uu sheegay wariye Ropert Rand oo dacwadaan tabinayay tan iyo 1989-kii. Inkasta oo labada walaal ay meel ku wada xiranyihiin haddana looma ogola in ay wadahadlaan.

Hayeeshe ee waxaa la sheegay in ay warqado isku qoraan, ciyaarta shataranjigana ay ku wada ciyaaraan internet-ka dhexdiisa.

Lyle Mendez, ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay waraaqo isku qoreen, walaaltinimadooda ay sii xoogeeystay.

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday hooyadiis mar uu wareeysi siinayay Telefishinka NBC bishii September.

“Hooyadeey waan jeclahay, walina waan ku dul ooynayaa hooyadeey, mana cafin doono”. Sidaas waxaa NBC u sheegay Lyle Mendez .

“Nolosheeda way idlaatay, annaga teenna si la mid ah ayay u soo dhammaatay, kaliya go’aankaas dartiis.Waxa jiray go’aano badan oo ay sameeysay oo ah in aysan noo sheegin waxa dhacayay.

Hooyo nuucee ah ayaa ogolaaneeysa in waxaani ay dhacaan?. Ayuu isweeydiiyay Lyle Mendez.