Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan doorka haweenka iyo dhalinyarada ku leeyihiin Horumarinta dhaqaalaha dalka

893

Muqdisho – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay kaalinta Dhallinyarada iyo Haweenka ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habaynta Maaliyadda dalka. Kulanka ayaa aad loogu fallanqeeyay muuhima canshuur bixinta iyo horumarka laga gaaray dib habaynta Maaliyadda dalka oo ay hourmuud u tahay Wasaarradda Maaliyadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka guud iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gaar Dhallinyarada iyo Haweenka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar ayaa sheegay in dhallinyaradda iyo haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin ka qabqaadashada dib u dhiska dalka iyo horumarka dhaqaalaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray haweenka iyo dhalinyarada iyo sida ay qeyb muuqata uga qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaana bixinta canshuuraha.Wasiirka Maaliyadda xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa sheegay in ay muhiim tahay bixinta canshuuraha si loo horumariyo dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa sheegay in doorka dhallinyarada iyo haweenka uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in dadaalka deyn cafinta Soomaaliya ay ku yimid horumarka iyo dib habaynta hannaanka Maaliyadda dalka laga gaaray.

” Deyn Cafintii waa ay socotay inteedii badnaydna waa la inaga cafiyay. Inteedii badnayd waa ay dhammaatay. Waxan filayno waxaa waayaan in deynta na laga cafiyo deyn, deyn dambena aannaan gellin. Waddankeennaa aan nagu horumarino”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

“Waxaan u mahadcelinyaa canshuur bixayaasha Soomaaliyeed, waxaa ii muuqata in dalkani uu rajo badan leeyahay, waxaan ka fikareyna in Soomaaliya ay 20-ka sano ee soo socota ay Soomaaliya noqoto meel Afrika laga quudiyo, ogaada haddaan casnhuurta la bixin dalkan meel ma gaarayo”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocow ayaa sidoo kale sheegay in wadda dheer iyo waqti adag loo soo maray dib u habaynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro hannnanka deyn cafinta Soomaaliya.

” Deyn waa la cafinayaa sheeko kuma imaan habeen iyo maalin ayaa loo soo jeeday oo lagu indha beelay” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Qaloocow.

Guddoomiyaha dhalinyarada Gobalka Banadir ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay wasaaradda Maaliyadda garab istaagaan. Guddoomiyha Haweenka Qaranka Batuulo Sh.Axmed Gaballe ayaa wasaaradda maaliyadda ku bogaadisay sida ay awoodda u siineyso haweenka iyadoo balan qaaday inay garab taagan yihiin haweenka.

Waxaa sidoo kale kulankaan ka qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobalka Banaadir Basma Canmir Shakeeti.

Dhamaan masuuliyintii ka hadashay goobta oo ay kujireen kuwa ka socday dhalinyarada, haweenka iyo hey’adda Culimada ayaa uga mahadcelisay wasiirka maaliyada sida uu ahmiyadda u siiyeyin dhalinyarada iyo haweenku door firfircoon ku yeeshaan hormarinta dhaqaalaha.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijyada Wasaaradda Maaliyadda ee la falgalida dadweynaha iyo qeybaha kale duwan ee bulshada si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta canshuuraha taas oo uu gacan ka geysanayo Bangiga Horumarinta Afrika.