Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

877

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladd Turkiga ee Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sidoo kale waxa uga mahadceliyay Safiirka dowladda Turkiga doorka wanaagsan ee ay dowladda Turkiga ka qaadanayso horumarka iyo dib dhiskaSoomaaliya.

“Turkigu waxa uu sii xoojinayaa xiriirka Saaxiibnimada Soomaaliya, Taageeradiisa Maaliyadeed iyo Horumarinta xirfadlayaasha dalkeena”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.