Muqdisho – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka Hey’adda Unicef ee Soomaaliya Werner Schultink.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada iyo xubno ka tirsan Wasaaradda iyadoo looga hadlay kulanka xoojinta mashariicda horumarineed ee hey’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka arrimaha waxbarashada.
“Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Unicef ee Soomaaliya Mr. Werner Schultink.
Arrimaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hey’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada”. Ayuu yiri wasiir Goodax.
Wasiirka waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday hey’adda UNICEF uga mahad celiyay tageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka taakulaynta waxbarashadda.