Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo Xilka La Wareegay+Sawirro

1223

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Puntland u magcaabay xilkaasi.

Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog  ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  xibin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe.

Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiiisa,

Madaxweynaha  Puntland ayaa sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ku booriyey inuu fiira gaara u lahaado kala socodsiinta arrimaha shaqo ee  xafiiskiisa, kaasi oo dalka wax badan katari kara marka la dardar geliyo.

Ugu Danbayn madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha Wasaadda Amniga Puntland  in uu had iyo jeer maankiisa ku hayo in Puntland heegan ku tahay ka sifaynta dhulkeeda cadawga nabad diid ka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulkeeda, isla markaana uu xafiis kiisu markasta heegan ugu jiro arrimaha iska caabinta cadawga tamarta yar ee majara habaabsan