Weerar lagu dilay 30 askari oo ka dhacay dalka Nigeria

975

Malleeshiyaad ka tirsan Kooxda Boko Haram, ee ka dagaalanta dalka Nigeria, ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar Ku dileen 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Nigeria.

Ilo wareedyo warbaahinta Caallamiga ah ka heshay Maliteriga dalkaasi ayaa xaqiijiyay weerarka iyo dilka askarta 30 ka ah.

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa Ku warantay in weerarka malleeshiyaadka Kooxda Boko Haram ay Ku qaadeen xarun ciidamada Maliteriga ay Ku leeyihiin deegaanka Zari, oo ka tirsan gobalka Borno ee dalka Nigeria, kaasi oo sanadihii la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo xoogan oo dowladda iyo Boko Haram.

Kooxdan ayaa dowladdu waxaa ay sheegtay in awooddooda qaab istaraatiiji ahaan iyo Maliteri ahaan loo wiiqay, hase ahaatee waxaa muuqata in kooxdu wali tahay mid abaabulan oo fulin karta noocyada kala duwan ee weerarada argagaxisanimada ah.

QM iyo hay’adaha udooda xuquuqda Aadanaha ayaa Ku waramay in gobalada qaar ee dalka Nigeria ay ka dhaceen xad-gudubyo ka dhan ah Aadanaha.

Kooxda Boko Haram, ayaa 10-kii sano aan soo dhaafnay waxaa la sheegay in ay dileen dad ka badan 10,000 (Toban Kun) oo qof ayagoo afduubyo wadar ah oo gabdhaha iskuulida dhigta kula kacay halka ay barakaciyeen dad faro-badan.