Xaaladdii deg dega aheyd oo Itoobiya laga qaaday

831

Dawladda Itoobiya ayaa gabi ahaanba qaaday xaaladdii deg dega aheyd oo waddanka la galiyay bishii Febraayo, markii uu si lama filaan ah isku casiay ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Heille Marriam, kagadaal mudaraahdyo xooggan oo gilgilay waddanka.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay hindise sharciyeed lagu laalay xaaladdii deg deg, ka hor  muddadii horay loo qorsheeyay in la qaado xaaladda degdega ah.Sidaas waxaa soo w ariyay warbaahinta dawladda Itoobiya hoostagta ee Fana.

Dibadbaxyo waaweyn oo ka bilawday gobolka Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan , kaddibna ku faafay gobolka amxaaradda oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan dalka sannadkii 2015 ayaa keenay in waddanka la galiyo xaalad deg deg ah.

Tan iyo intii uu yimid ra’iisalw asaaraha cusub Abiy Axmed oo u dhashay qowmiyadda Oromada waxaa jiray isbadalo badan oo u sameeyay oo ay ka ka mid aheyd in la sii daayay maxaabiis aad u badan oo u xirnaa siyaasad darteed.